Maxkamadda rafcaanka gobolka Banaadir ayaa dib u dhigtay dhageysiga dacwadda weriye Cabdicasiis Cabdinuur Koronto iyo haweeney sheegtay inay kufsadeen askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.
Dhageysiga dacwaddooda ayaa dib loo dhigay ilaa February 27.
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa February 5 waxay labadan eedeysane ku xukuntay xabsi min hal sano ah.
Qareenka u doodaya labada qof Maxamed Maxamuud Afrax ayaa warbaahinta u sheegay inay maxkamadda hor geyn doonaan markhaatiyaal iyo caddaymo muujinaya inaanay dambi lahayn weriyaha iyo haweeneyda la xukumay.
Qareenka difaacaya labada qof ayaa ku doodaya inaan horey loogu oggolaan inuu maxkamadda hor geeyo markhaatiyaal iyo caddaymo muujinayay inaaney labada eedeysane lahayn wax dambi ah.
Wuxuu rajo ka muujiyay in garsoorka maxkamadda rafcaanka uu laali doono xukunkii hore.
Ururrada u dooda xuquuqda aadanaha, oo ay ku jirto hay’adda fadhiggeedu yahay Maraykanka ee Human Rights Watch ayaa cambaareeyay xukunka maxkamadda, waxayna ugu baaqeeyeen maxkamadda rafcaanka inay laasho xukunka lagu riday labada eedeysane.