Telesom-Xaysiisin-2
somtel
Somaliland

Somaliland orod

SOMALI LINKS

Turkish Airlines oo Muqdisho looga raaco baasaboorro been ah

Turkish-Airlines-300x193Maamulka shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines ayaa xaqiijiyay in ay jiraan dad Soomaali ah oo iyagoo isticmaalaya baasaboorro been abuur ah ku safra diyaaradda si ay u galaan Yurub, kaddib markii uu dhowaan taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee Soomaaliya jeneraal Cabdullaahi Gaafow Maxamuud sheegay in ay qaati ka taagan yihiin dadka baasaboorrada been abuurka wata.
Afhayeen u hadlay Turkish Airlines, Merve Oruc ayaa sheegay in ay dhacaan kiisaska ku saabsan dadka baasaboorrada aan saxa ahayn ku safraya ee raacayo diyaaradda, isagoo tilmaamay in waaxda socdaalka Soomaaliya ay kala shaqeynayaan sidii arrintan wax looga qaban lahaa.
Mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa walaac ka muujiyay sii socoshada falalka noocaan ah oo keeni kara in ay Turkish Airlines joojiso duullimaadka ay ku tagto Muqdisho.
Hase yeeshee Mr. Merve Oruc wuxuu xaqiijiyay in aysan shirkadoodu u qorsheysneyn joojinta duullimaadka.
Gaafow ayaa maalmo ka hor sheegay in kooxaha dadka tahriibaya ay Muqdisho ka billaabeen in ay baasaboorro been abuur ah u sameeyeen dadka magangalyo doonka ah ee raba in ay Yurub galaan, arrintaas oo uu xusay in ay dhibaato xooggan ku heyso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII HORE