Hay’adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa ugu baaqday dowladda Netherland in aysan dadka Soomaalida ah u masaafurin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay ku jirto caasimada magaalada Muqdisho, illaa inta ay xaaladda amaanku ay ka noqeyneyso mid laysku halayn karo.
UNHCR ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay kaddib markii saraakiisha dowlada Netherland ay diideen inay qaxootinimo u aqoonsadaan laba nin oo Soomaali magangaliyo doon ah, kuwasoo ka yimid magaalada Muqdisho, waxayna saraakiishu shegeeen inay dib ugu celinayaan dalkooda.
Maxkamad ku taalla dalka Netherland ayaa 19-kii bishan Feberaayo amartay saraakiisha dalkaas inay joojiyaan dib u celinta labada qof ee Soomaalida magangelyo doonka ah, waxayna soo saartay go’aan dib loogu dhigayo dacwadaasi.
UNHCR waxay kula talisay waddamada kale ee doonaya inay qaxootiga Soomaalida dib ugu celiyaan Koonfurta iyo Bartamaha dalka inaysan khatar gelinin naftooda.