Qeylodhaantan kasoo yeereysa culima’udiinka, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ka dambeysay kadib markii ay siikordheen dilalka qorsheysan iyo Beegsiga lagu hayo culimada iyo shaqsiyaadka waxtarka u leh shacabka kuwaasi oo Ay ka danbeeyaan koxda Al-shabaab.
Sheekh Cumar Daahir Sheekh C/raxmaan oo kamid ah culima,udiinka Somaaliyeed Kana qeybgalay maanta barnaamijka kulanka Jimcaha ee ka baxa Radiomuqdisho Ayaa sheegay inay ka xun yihiin dilalka qorsheysn ee kooxaha Al-Shabaab ay ku Hayaan aqoonyahanada iyo culimada Soomaaliyeed
Mahan oo kaliya culimada waxaa sidoo kale arintani walaac ka muujinaya qeybaha Kala duwan ee bulshada qaar kamid ah dadka qadka telfoonka uga qeybgalay Barnaamijka ayaa waxaa ay shegeen inay muhiim tahay wadashaqeyn dhexmarta Shacabka iyo hay,adaha amaanka dowlada Soomaaliya u qaabilsan si ay isku Kaashadaan xoogtoodana loogu howlgalo.
Ugu dambeynti Sheekh Cumar Daahir Sheekh C/raxmaan ayaa soo hadal qaaday Kaalinta hay,adaha amaanka waxaana uu sheegay in beryihii ugu danbeayay Amaanka uu soo hagaagayay lagana hortagayay falalka guracan oo ay Geysanayaan maleeshiyada Al-Shabaab.
Falkii ugu dambeyeey ayaa lagu Sheekh C/Qaadir Nuur Faarax oo ka mid ahaa Culimada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwoodi kunoolaa deegaanada Puntland oo uu Mudo ku howlanaa faafinta diinta Islaamka iyadoo aas balaaran oo loogu sameeyay Magaalada Garoowena ay ka qeybgaleen wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Qaranka mudane C/kariim Xuseen Guuleed iyo madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.
May 23, 2013