Telesom-Xaysiisin-2
somtel
Somaliland

Somaliland orod

SOMALI LINKS

Ciidamada dowlada oo Howlgal lagu qabqabtay inkabadan 60 ruux oo uu kujiro horjooge sare ka sameeyay magaalada Kismaayo

Howlgalkan oo saameyn kuyeeshay dhaqdhaqaaqii gaadiidka iyo kan ganacsiga ee magaalada Kismaayo Ayaa ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Amisom waxa ay waaberigii saaka ka bilaabeen Magaalada ksimaayo ee xarun goboleedka Jubad Hoose gaar ahaan xaafadaha Guulwade iyo Shaqaalaha Ee magaaladaasi.

Ciidamada ayaa la arkayay iyagoo guriguri ugalayaa xaafadaha magaalada si ay baaritaano ugu Sameeyaan iyagoo xiray dhamaan jidadka soogala goobaha uu bartilmaameedku ahaa qaar kamid ah Dadka reer Kismaayo ayaa warbaahinta qaranka usheegay in howlgalkani ahaa kii ugu cuslaa ee lagu Sugayo amaanka tan iyo markii ay ciidamada qaranku la wareegeen gacan kuheynta magaaladaasi.

Wariyaha Radiomuqdisho ee magaalada Kismaayo Aadan Maxamed Salaad ayaa kusoo waramaya in Howlgalkan lagu qabtay inkabadan 60 ruux oo lagu tuhunsanyahay inay katirsanyihiin kooxda Al-Shabaab iyo walxaha qarxa isagoo intaa raaciyay in sidoo kale ay ciidamadu gacanta kudhigeen gaari Nooca loo yaqaan UDga ah oo isagoo hub sida xalay soo galay magaalada inkastoo laga hortagay Islamarkaana gacanta lagu dhigay.

Intii uu socday howlgalkan ayaa waxa ay ciidamadu ku qabteen horjooge sare oo katirsan kooxda Al-Shabaab kaasoo gacanta lagu dhigay xili uu ka baxayay magaalada Kismaayo isagoo wata agari yar oo Nooca raaxada ah islamarkaan ku hubeysnaa Bastoolad.

Horjoogahan ayaa la tilmaamay inuu kooxda u qaabilsanaa dhinaca saadka iasoo geyn jiray tuulooyinka Howdka ah ee ay aragagixisadu ku dhuumaaleystaan iaydoo ay ciidamada qaranku baaritaano kuhyaan Horjoogahan iyo rag kale oo howlgalka lagu qabtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII HORE