Telesom-Xaysiisin-2
somtel
Somaliland

Somaliland orod

SOMALI LINKS

(Dhagayso) Maamulka Khaatumo Oo Cambaareyn Kuluul U Jeediyey Maamulka Somaliland Kuna Eedeeyey Inay Gabaad Siiyaan Kooxaha Xag Jirka Ah

Maxamuud-Sheekh-Cumar-495x371Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha ee maamul goboleedka Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan ayaa cambaareyn dusha uga tuuray maamulka Somaliland, isagoona sheegay in maamulka Somaliland uu gabaad siiyo kooxo xag jiriin ah waa sida uu hadalka u dhigaye waxa uuna ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in aysan kala hadlin madaxda Somaliland arimaha goboladda waqooyi ee Soomaaliya marka uu furmo wada hadalada u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland balse ay ka wada hadlaan oo kaliya arimaha deegaanada Somaliland.

Agaasimaha ayaa ugu horeynba hambalyo u diray qodobo dhawaan laga soo saaray shir ugu soo gaba gaboobay magaalada Buuhoodle Beesha Aadan Axmed oo ka tirsan Beel weynta Dhulbahante kaas oo ahaa mid Beeshu aayaheeda ay kaga tashanaysay. Hadaba halkan ka dhagayso warbixin xasaasi ah oo aan ka diyaarinay arintaas.

Halkan Ka Dhagayso

Hadalkani kasoo yeedhay agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha ee maamul goboleedka Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan ayaa kusoo beegmaya xili ay weli jiraan walaac balaadhan oo dowladda reer galbeedku ay ka muujiyeen tagi taanka deegaanada Somaliland isla markaasna ay digniino culus u direen dad yowgoodii halkaasi kaga sugnaa.

Wariye Abdirahman Wadani

Email axmedyare1001@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII HORE