Telesom-Xaysiisin-2
somtel
Somaliland

Somaliland orod

SOMALI LINKS

Shabaab Ayaan heshiis la galay ka dib markii Puntland cadaawad naga samaysatay “Odayaal Warsangeli” Dhegeyso

calmadowWararka laga helayo Deegaamada Buuralayda Cal-madow ee Goliska oo Kulaala Soohdinta u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland ee Bariga Sanaag, ayaa sheegay in Bulshada halkaasi ku dhaqan Heshiis wada shaqayneed ka dhexmaray Faraca kooxda Alshabaab ee Buuraha Goliska, kaasoo ka dhashay kulan la sheegay inay Odayaasha deegaankaasi la yeesheen hogaanka kooxdaasi.

Arintan ayaa daaha ka rogaysa jiritaanka awooda soo kordhaysa ee Ururka Alshabaab dhulkaasi ku leeyahay, waxaanay Odayaal deeganka ka soo jeedaa Warbaahinta u sheegeen inay talaabadan ku keliftay dhibaatooyin ay kala kulmeen maamulka Puntland.

Nin Magaciisa lagu sheegay Nabad-doon Max’med Cali Yuusuf ayaa Warbaahinta u sheegay inay yihiin bulshada ku dhaqan deegaamada Buuralayda Cal-madow,isla markaana xidhiidh wada shaqayneed iyo heshiis la galeen waxa uu ku sheegay Muslimiinta Buuralayda Cal-madow, kuwaasoo buu yidhi ay miciin bideen ka dib markii Maamulka Puntland gadoomiyay, waxaanu yidhi “Waxaanu nahay dadka degen Buuraha Cal-madow la yidhaahdo ee Beesha Warsan-geli,  waanu dhibanahay oo waxaanu nahay dad la cuno qabatayay oo Puntland Cunaqabataysay, ka dib Annaga  ayaa u nimi Mujaahidiinta oo u cabanay, waxaanay nagu yidhaahdeen annagu islaambaanu nahay waxaanu u baahanahay Islaam na taageera, markaa annagu muslimbaanu nahay iyaguna waa muslim, dad aan Islaam ahayna way na cuno-qabateeyeen, waxaana  naloo fadhiistay meesha Suqara la yidhaahdo , dadkiina badh waa laayay, badhna waa qadiyay, markaa hadii aanu nagga ismaamuli kari waynay oo cid na maamusha aanu waynay dee islaamkan ayaanu la shaqaynaynaa”

Mar uu ka hadlayay tirada Odayaasha la shiray Alshabaabta Goliska iyo sida ay tahay Nabada Deegaanku, waxa uu yidhi “Ilaa 26 Oday ayaanu ahayn, nabada deegaanku intii Mujaahidiintu nala joogtay way fiicantahay, laakiinse Puntland hadii aanay Wadada ay naga xidhay noo furin waanu diyaar-garoobaynaa oo meelo badan ayaanu kala joognaaye waanu is-uruursanaynaa, waanan dagaalamaynaa”ayuu yidhi.

Xidhiidhkan dhexmaray Bulshada Deegaanka kor ku xusan iyo Faraca Alshabaab ee Buuralayda Goliska, waxa nasiib daro ku tilmaamay Xukuumadda Somaliland oo Maamulka Puntland ugu baaqday inaan la dhiiri-gelin waxyaabaha amni daradada Keenaya ee xuduuda labada dal ka dhalan kara.

Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Cabdisalaan Maxamed Xasan oo xalay Wargeyska Waaheen Khadka Tefeloonka kula xidhiidhay isagoo ku sugan magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag, ka dib markii uu ka soo laabtay Socdaal shaqo uu maalmahanba ku marayay Deegaamada Bariga Sanaag, ayaa sheegay inay arintani nasiib daro amni tahay, isla markaana Maamulka Puntand ugu baaqay inay xayiraada ka qaado dadka cabashadu ka soo yeedhayso “heshiiska dhex maray Kooxaha Nabad-gelyada ka wada Goliska iyo Bulshada Warsan-geli ee Gobolka Bari waa nasiib daro, Warsan-geligu Boosaasana wuu degaa Somaliland wuu degenyahay, annaguna xukuumad ahaan ma soo dhaweynayo wax kasta oo amaanka waxyeelaya, markaa Maamulka Puntland waxaanu ugu baaqaynaa inay gadoominta ka qaado dadka Cabanaya, annaguna waxaanu ku dedaali doonaa sidii dib u dhis loogu samayn lahaa wada isku xidha Dhahar iyo Laasqoray si ay dadka Reer Laasqoray uga maarmaan wadada Xeebta marta ee Boosaaso tagta, taasoo puntland xidhay”ayuu yidhi.

Ugu dambeyntii Wasiirku waxa uu carabka ku adkeeyay in Dawlada Somaliland diyaar u tahay cid kasta oo arimaha Nabad-gelyada kala shaqaynaysa haday tahay Puntland iyo haday tahay cid kale “Dawlada markasta diyaarbay u tahay cid kasta oo Nabad-gelyada kala shaqaynaysa, dadka bariga Sanaagna waa dad nabada jecel oo aan wax shaqo ah ku lahayn waxa la sheegayo, markii aanu waydiinay inay xidhiidh la leeyihiin Kooxaha Buuralayda lagu sheegay, waxay nagu yidhaahdeen annagu maanu arag meel ay joogaan, laakiinse waxa lagu sheegaa dhinaca bariga ee Boosaaso xigta, markaa waxaan mar kale ku celinayaa oo aan Puntland ugu baaqayaa inaanay dhiiri gelinwaxyaabaha shidada abuuraya, annaguna waxaanu diyaar u nahay inaanu ka hortagno wax kasta oo umadda wax yeelaya”ayuu yidhi.

waa markii ugu horaysay ee wada shaqayn noocan ahi dhexmarto Bulshada rayidka ah iyo  Kooxaha Xagjirka lagu tilmaamo ee ku dhuumaalaysta Buuraha Calmadow, kuwaasoo aasaaskoodu ka soo bilaamay sanado hore, ka dib markii uu halkaasi ku aasaasay Ninka la yidhaahdo Maxamed Siciid ATAM oo sanadka hor, uun cadeeyay inuu gacan saar la leeyahay Ururka Alshabaab ee Koonfurta Somaliya ka soo dabar-goa’aya.

Puntland ayaa dagaal kula jirtay Kooxdan tan iyo markii ay halkaasi awood muuqata ku yeesheen, laakiinse dagaalkaasi waxa uu sameeyay dadka rayidka ah oo hagardaamo kala kulma Ciidamada Maamulka Garoowe, taasaana keentay hada inay dadka Xoolo dhaqatada ah iyo waxgaradka ka helaan garab iyo Gabood dhuleed, xili ay jiraan tuhuno badan oo laga qabo in dagaalyahanadii alshabaab ee dhinaca koonfurta ka soo firxaday halkaasi soo galeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII HORE