Friday, November 28th, 2014

Bayern Munich Oo Ka Walwalsan Dhaacawa Thiago Alcantara

Published on September 4, 2014 by   ·   No Comments

ThiagoKooxda Bayern Munich ayaa ka walwalan xaalada dhaawaca xidiga khadka dhexe ee Thiago Alcantara kaas oo dhaawac ku maqnaa ilaa bishii march. Alcantara ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Baryern barbaraha 3:3 da ah la gadhay kooxda Hoffenheim bishii March kulankaas oo ku tirsanaa horyaalka Jarmalka ee Bundesligaha.

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Bayern Matthias Sammer ayaa qirtay inay kooxdiisu ka walwalsan tahay xaalada dhaawac ee Alcantara. Thiago ayaa dhawacan awgii ku seegay tartankii koobka aduunka ee Brasil lagu qabtay.

Thiago ayaa markii hore la filaayay inuu xili ciyaareedka cusub ee 2014/15 diyaar u noqon doono balse 23 jirkan ayuu dhaawihiisu qaatay waqti ka badan sidii markii hore la filaayay . Thiago ayuu dhaawacani ka soo gaadhay jilibka.

Agaasimaha Bayern ee Sammer ayaa isagoo arinta Thiago ka hadlaya yidhi: “Xaqiiqdii ma sheegi karno waqtiga uu Thiago kaga soo bogsan karo dhaawacan. Suurtogal maaha inaanu taariikh sheegnaa uu Thiago ku soo laabanayo, kani waa horumar aad looga qoomamoodo”.

Thiago ayaa Bayern kaga soo biiray dhinaca kooxda Barcelona  xagaagii sanadkii 2013, wuxuuna la dhibaataysan yahay dhaawacyo soo gaadhay. Thiago ayaa kooxda Bayern u saftay 25 kulan, wuxuuna u dhaliyay 3 gool oo tartamada oo dhan ah. Bayern ayay sidoo kale ka maqan yihiin Javi Martinez iyo Bastian Schweinsteiger.

Readers Comments (0)



wararkii hore

77056182_barcanewsigningsgetty

FIFA oo diiday racfaankii ay qaadatay kooxda Barcelona.

August 20, 2014
Barcelona ayaan awoodi doonin inay ciyaaryahano lasoo saxiixato ilaa bisha January 2016ka marka uu xirmo suuqa kala iibsiga ...
Adrien-Rabiot

Arsenal Oo Ku Dhaw Inay Soo Gabagabayso Saxiixa Adrien Rabiot.

August 20, 2014
Kooxda Arsenal ee dalka ingiriiska ayaa ku dhaw inay soo gabagabayso saxiixa da,yarka qadka dhexe uga ciyaara PSG ...
kaan

Chelsea Oo Guul Raaxoleh Ku Bilaabatay Horyaalka Ingiriiska

August 19, 2014
Jose Mourinho iyo kooxdiisa Chelsea ayaa horyaalka ingiriiska ku bilabatay guul ay u qalantay kadib ciyaar ay iskaga ...
Arsenal2

Falanqaynta Kulanka Isreeb Reebka Champions League Ee Besiktas v Arsenal.

August 19, 2014
Kooxda Besiktas oo dhawaantaan lawareegtay laacibiin uu ka mid yahay weerar yahankii Chelsea iyo Newcastle Demba Ba ayaa ...
Marcos-Rojo-Sporting-Lisbon

Marcos Rojo Oo Sheegay Inuu Dhamaystiray Wareegista Man United

August 19, 2014
Difaaca kooxda Sporting Lisbon iyo xulka qaranka Argentina eeMarcos Rojo ayaa Sheegay inuu dhamaystiray Wareegista Man United, isagoo ku ...
Wenger3

Wenger Oo Sheegay Inay Arsenal Usoo bixidoonto Champions Leaquega waxkasta Ha Ku Qaadatee

August 18, 2014
Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay inay Arsenal usoo bixidoonto  horyaalka Yurub ee Champions Leaquega waxkasta ha ...